Sh mustafe biography
Sh mustafe xaaji ismaaciil...
Sh mustafe biography
Waa kuma Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil Haruun?
Xigashada Sawirka, Sh. Mustafa Xaaji Ismaaciil Haaruun
- Author, Cabdishakuur Casoowe
- Role, Nairobi
Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil Haaruun wuxuu ka mid yahay ka qeyb galeyaasha Kulanka Culumada Soomaaliya, oo lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, wuxuuna markii ugu horreysay madashaas uga hadlay taariikh nololeedkiisa.
Mu'tamarka uu ka qeybgalayay waxaa ka qeybgalay 12 culimo oo Soomali ah oo ay ka mid yihiin Sheekh cabdirashiid Sheekh Cali Suufi iyo Sheekh maxamed Idiris.
Wuxuu Nairobi ka socday 14 illaa 16-kii bishan December kaas oo ay sidoo kale goob joog ka ahaayeen dhageystayaal badan oo su'aalo weydiiyay culimada.
Sheekh Mustafa Waxyaabaha uu ka sheekeeyay waxaa ka mid ah in marar badan ay xirtay dowladdii hore ee Soomaaliya.
Isagoo la hadlayay dadkii isugu tagay kulanka Culumada wuxuu sheegay in uusan waligiis Idaacad ama Telefishin uga warramin arrimaha ku sa